Sign in to follow this  
General Duke

Mayor of Yagshid district assasinated...tragic

Recommended Posts

Muqdisho: Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Madiino oo la toogtay.

21. februar 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo caawa fiidkii ay niman hubeysan rasaas ku dhaawaceen isagoo ku sii jeeday gurigiisa ayaa markii dhaawaciisa la geeyey Cusbitaalka Keysanay ee Magaalada Muqdisho halkaas ku geeriyooday.

 

Marxuum Muxiyaddiin ayaa geeridiisa waxaa aad uga xumaaday dadka intii tiqiin iyo kuwa samaha jecelba, waxaana isla caawa arrintiisa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xagga nabadgelyada ee duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, kaas oo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono kuwii ka dambeeyey dilka Guddoomiyaha, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka.

 

Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa tacsi u diray eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuun Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo kooxo hubeysan ay caawa ku toogteen agagaarka xaafaddiisa.

 

Sidoo kale waxaa caawa kooxo hubeysan ay toogteen Guddoomiye kuxigeenka degmada Madiina, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka uu dhaawaca soo gaaray uu u geeriyooday.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this