Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxa oo DF u diray dalab la xiriira arrinta SHEEGOW

Recommended Posts

Deeq A.   
Dalxa.jpg?fit=1944%2C1296&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa baarlamaankii hore ee dalka ayaa ka hadlay arrinta Jeneraal Sheegow oo ay shalay soo xirtay dowladda Soomaaliya, kadib dagaal culus oo ka dhacay degmada Dharkenley.

Ugu horreyn Dalxa ayaa u jawaabay taliska Booliska Soomaaliya oo shalay sheegay in Sheegow aanu aheyn Jeneraal ee uu yahay Kabtan hore oo ka tirsanaa Xoogga dalka.

Dalxa ayaa ka horyimid halkaasi, wuxuuna sheegay in Sheegow uu yahay Jeneraal uu horay u dalacsiiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Afhayeenkii booliska ee ku hadlayay magaca hay’adaha amniga shirkii jaraa’iid ee uu qabtay wuxuu ku sheegay in Jeneraal Sheegow aanu aheyn Jeneraal ee uu yahay kabtan arrintaasi waxaan oran lahaa sida uu u dhigay ma’aha Sheegow inayaa Jeneraal yahay sarrreeye guuto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacantiisa ku magacaabay oo dalacaadaasi u saxiixay” ayuu yiri Maxamed Cumar Dalxa.

Dhanka kale, Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrintaan guddi u xilsaarto, si xaqiiqada loo gaaro.

“Waxaan ka codsaneysaa dowladda federaalka in guddiga xaqiiqo raadin ah ay u saarto oo ka kooban baarlamaanka guddigiisa cadaaladda iyo amniga iyo xukuumadda oo ah hay’adda fulinta waa inay daba galaan waxa sababay dagaalkaasi” ayuu raaciyay,

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay afhayeneka Booliska uu sheegay in Sheegow uusan hadda ka tirsaneyn ciidamada dowladda, balse uu ahaa Kabtan hore, wuxuuna ku eedeeyay inuu gabaad siin jiray burcadda.

“Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, laakiin maanta aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii & xasiloonidii uu khalkhal u geliyo” ayuu yiri afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe.

The post Dalxa oo DF u diray dalab la xiriira arrinta SHEEGOW appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this