Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo durba bilaabay qorshaha cusub ee DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdullaahi-Maxamed-Nuur-Nur-Noor.jpeg?f

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee Tubsan ayaa soo saartay wargelin muhiim oo qeyb ka ah qorshaha cusub ee dowladda, kaasi oo fursad ay isku soo dhiibaan la siinayo dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay xarunta ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku boorineyso dhamaan shaqsiyaadka weli ka tirsan kooxaha argagixisada ah in ay ka faa’iidaystaan fursada uh siinayo “xeerka cafiska dadka isku soo dhiibaya dowladda” kana soo baxaan kooxaha argagixisada ah.

Xeerkan ayaa waxa uu shaqsiyaadka kasoo baxa kooxda Al-Shabaab siinayaan fursad ay dib ugu soo biiraan bulshada rayidka ah iyaga oo ah xubno ka tirsan bulshada oo nabdoon.

“Argagixisada kalama jecla in aad dhimato ama aad silic ku noolaato waxa ay kuugu yeerayaan waa in aad daadiso dhiiga shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslimiin ah, amaba dhiigaagu daato, taasi oo ah adduun iyo aakhir beel, balse dowladdu waxaa ay had iyo jeer diyaar u tahay in ay ka caawiso sidii aad nolol iyo mustaqbal fiican u heli laheyd.”

“Haddaba kasoo laabo la jirka iyo fikirka argagixisanimo oo ka faa’iideyso fursada cafiska ee ay dowladda Soomaaliya kuu fidisay.”

Sidoo kale xarunta ayaa waxay dhamaan waalidiinta iyo ehellada ay caruurta ka marin-habaabiyeen ama tuhmaya in ay cadaadis ku hayaan caruurtooda kooxaha argagixisada ah si ay ugu biiraan waxaa lagu dhiiri-gelinayaa in ay nala soo xiriiraan si looga gacan siiyo badbaadinta caruurtooda.”

Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa markii u horreysay soo bandhigtay nambaro ay la xiriiri karaan dhalinyarada raba inay kasoo baxaan kooxda ee weli ku harsan, ayada oo sheegtay in dhamaan xogaha xubnaha la xiriira la dhowri doono.

“Dhamaan xubnaha danaynaya in ay dowladda isku soo dhiibaan iyo waalidiinta caruurta laga marin habaabiyay waxaa ay nagala soo xiriiri karaan nambarada hoos ku xusan. Dhamaan xogaha xubnaha nala soo xiriira waa la xafidi/dhowri doona.”

Xaruntaan ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay Cabdullahai Maxamed Nuur oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sameeyay magacaabistaas ayaa sheegay in xaruntan oo markaas lagu dhawaaqay ay ka mid noqon doonto hay’adaha dawladda, ayna mas’uul ka noqon doonto ka hortagga fikradaha xagjirnimada iyo gacan ka hadalka ku salaysan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkii hore markii xilka loo doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hor leh ula dagaalamayo Al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka.

369467624_755560093277266_87460484238275

The post Cabdullaahi Maxamed Nuur oo durba bilaabay qorshaha cusub ee DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this