Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Taliyaha ciidamada Xoogga oo tegay degmo laga xoreeyay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Muxudiin.webp?fit=768%2C512&ssl=1

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelah Dhexe,.

Taliyaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabahadaha Wata, waxanaa halkaas ku soo dhaweeyay saraakiil iyo xildhibaano.

Soo dhaweyn kadib taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa booqday farumaha ciidamada, isaga oo u kuurgalayay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo difaacyada ay joogaan.

Ujeedka booqashada taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa ah inuu dhiira-geliyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Al-Shabaab kula dagaalamaya halkaasi.

Khudbad uu u jeediyay ayuu kula dardaarmay inay muhiim tahay inay ka feejignaadaan weerarada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii dambe.

Sidoo kale taliyaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo waxgaradka deegaanka, isaga oo kala hadli doono howlgallada xoreynta ah ee ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha sidoo kale wuxuu tagi doonaa deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-Shababa, si uu usoo qiimeeyo xaaladda xaaladaha ka jira deegaanadaas oo la gaarsiinayo dowladnimada.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama inta badan laga saaray gobolkaasi oo ay u horeyso degmada uu booqday ee Aadan Yabaal,

The post Daawo: Taliyaha ciidamada Xoogga oo tegay degmo laga xoreeyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this