Deeq A. Posted August 20, 2023 Islamabad (Caasimada Online) – Warrarka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in koox hubeysan oo xagjir ah ay ku dileen gobolka Khyber Pakhtunkwa 11 shaqaale ah. Dhammaan shaqaalada geeriyooda ayaa ku socday mashruuc dhisme oo laga hirgalinayay gobolka xuduuddda Afganistan ku yaala ee Waziristan. Qarax la ayaa lala beegsaday gaari xamuul ah oo ay la socdeen shaqaalahani, kaas oo marayay Woqooyiga Khyber Pakhtunkwa. Ra’isul Wasaaraha xil gaarsiinta ee xukuumadda Pakistan Anwaar-ul-Haq Kakar ayaa bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter soo dhigay fariin u uku cambaareynayo dilka shaqaalaha aan waxba galabsan ee uu sheegay inay gaarayaan 11, kuwaas oo lagu dilay weerar argagixiso. Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lagau dilay 11 qof. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaris ku aadan falkaasi lagu beegsaday shaqaalaha oo lagu eedeeyay inay geysteen koox hubeysan oo xagjir ah. The post 11 shaqaale ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Pakistan appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites