Deeq A. Posted August 20, 2023 Ceel Biyood Laga Dhagax Dhigay Degmada ⁸ Burco(Qaran news)-Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Somaliland ayaa degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer ka dhagax dhigey Dhaam-biyood. Munaasibada dhagax-dhiga dhaam biyoodka wax aka soo qaybgalay xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda JSL, maayirku xigeenka degmada Burco iyo guddoomiyaha guddida qandaraasyada Qaranka. Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta biyaha ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in Dhaam biyoodkan ay maanta dhagax dhigeen wax weyn ka tari doono xaalada biyaha degmada Qoryaale iyo degaanada hoos yimaada. Qaar ka mida waxgaradka iyo bulshada degmada Qoryaale ayaa soo dhaweeyay dhagax-dhiga Dhaam-biyoodkan, waxaanay xukuumadda Somaliland ku boggaadiyeen sida ay markasta uga jawaabto baahiyaha adeeg aasaasiga ah ee bulshada. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites