Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dahabo Suusow oo weji kale u yeeshay soo qabashada Jeneral Sheegow

Recommended Posts

Deeq A.   
Screenshot-2023-08-19-at-9.00.31-AM.png?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dahabo Suusow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana ay isku beel yihiin Janaraal Sheegow ayaa ka hadashay xarigga sarkaalkaasi, kadib markii lagu soo qabtay dagaal xalay iyo maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee dgemada Dharkenley.

Dahabo Suusow ayaa is weyn uga hortimid qaabka loola dhaqmay Sheegow, waxayna sheegtay in isaga oo Janan ah lagu xadgudbay gurigiisa iyo carruurtiisa.

“Nin muwaadin ah, Soomaali ah ka tirsanaa ciidamada ahaa Janan in gurigiisa lagu weeraro ciyaalkiisa lagu laayo lagu dumiyo guriga saban iyo BKM wax la aqbali karo ma ah” ayay tiri Xildhibaan Dahabo Suusow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inay horay dulmane u ahaayeen haddane loogu sii daray dhibaato kale, sida ay ku dooday xildhibaan Dahabo Suusow.

“Annaga oo ebel dulmane aan aheyn oo ku dulmaneyn xilalka halkii Janan ee welina Janannimadiisa meel saarneyn haddiiba guriga lagu weerarayo waa wareer” ayay raacisay.

Waxaa kale oo ay ku dartay “Nimankii wax dhacaayay, waxna dilaayay oo waxaan isaga sameeyay wax ka weyn sameynaayay aa xaafadaha ku nool oo weliba gurigooda jooga”.

Xildhibaanadda oo hadalkeeda sii wada ayaa sidoo kale cambaareysay qaabka loo soo xiray Sheegow, waxayna sheegtay in la bahdilay, aadna ay uga xun tahay, sida loola dhaqmay,.

“Nin Janan eh aa kuleetiga la qabanaa oo muwaadin ah waay kuleetigiisa loo qabanayaa oo hebelow, hebelow loo leeyahay edeb darro, dulmi iyo waxaan u arkaa inaan kaa tun weyn” ayay mar kale tiri Dahabo Suusow.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Booliska Soomaaliya uu shaaciyay in Jeneral Sheegow uusan hadda ka tirsaneyn ciidamada, sidoo kalena uu gabaad siin jirtay burcadda.

“Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, laakiin maanta aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii iyo xasiloonidii uu khalkhal u geliyo” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in guriga ninkan laga soo qabtay lacagta madow ee sharci darrada ah, isla-markaana lagu horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo.

The post Xildhibaan Dahabo Suusow oo weji kale u yeeshay soo qabashada Jeneral Sheegow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this