Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shaqo siiyay inantii maanta aabaheed ku geeriyooday xafladii qalinjabinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Burco(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaqaalaysiiyey Hamda Cafli Nuur oo aabeheed Alle ha u naxariistee Cali Nuur ku geeryooday Hoolka Jaamacada Burco oo ay ka socotey Munaasibadda qalinjebinta ee maanta.

Wasiirku wuxuu Tacsi u diray Xamda iyo guud ahaanba ehelkii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Aabo Cali Nuur, oo saaka inantiisa kala soo qaybgalay farxada qalinjebinta balse xaqii u yimi.

Guud ahaanba wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kafaale qaaday oo shaqaalaysiiyey Xamda, waxbarasho kale wixii ay u baahatona bixin doona.

Geerida Aabo Cali Nuur ayaa ahayd mid siweyn looga wada naxay isla markaana markaliya bedeshay munaasibadii qalinjabinta Jaamacada Burco.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this