Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddidii Habarjeclo oo Shaaciyay inay Dhinacyada is Khilaafdani Siiyeen Kalsooni Buuxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddidii East Burco Clan oo Shaaciyay inay Dhinacyada is Khilaafdani Siiyeen Kalsooni Buuxda

Hargeysa(Qaran)- Afhayeenka Guddida Beelaha East Burco Clan ee ku hawlanaa furdaaminta khilaafka dalka Mr.Cabdilaahi Yuusuf Gubadle ayaa shaaciyay inay heleen kalsoonidii ay ka doonayeen dhinacyada khilaafka doorashooyinku u dhexeeyeen.

Sidaasna waxa ku sheegay bayaan ay Guddida East Burco Clan wadajir u soo saareen, waxaanu u mahadceliyay madaxweyne Muuse Biixi, labada xisbi mucaarid oo uu tilmaamay inay ka heleen oo ay u soo dhammaatay hawshii kalsooni siinta ay ku geli lahaayeen xal u helida khilaafka ka taagan dalka.

Afhayeen Cabdilaahi Yuusuf Gubafle waxa kaloo uu u mahadceliyay Guddida Beelaha West Burco Clan oo uu xusay inay gacanta ku qabteen arrinta nabadgelyadda.

Waxa kaloo uu qurbojooga ah iyo bulshadaba ugu baaqay inay Ilaahay ka baqdaan oo aanay ka shaqeynin hurinta colaada iyo wixii ummadda kala qaybinaya, taasi oo aan loo baahnayn.

Sidoo kale, waxay intaas ku dareen inay hadda geli doonaan sidii loo furdaamin lahaa khilaafka jira.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this