Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari kasoo baxay Ceelbuur oo lagu rasaaseeyay Shabeelah Dhexe + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaari.jpg?fit=696%2C699&ssl=1

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay gudaha deegaanka Xaaji Cali oo ka tirsan gobolkaasi, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga la weeraray ayaa kasoo baxay degmada Ceelbuur, wuxuuna kusoo jeeday gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo burcad ah ay waddada u galeen, kadibna ay rasaas ku fureen, taas oo keentay khasaaraha soo gaaray rayidka.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dhacdadaan, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida aanu kasoo xiganay ilo deegaanka ah.

Qofka dhintay ayaa aheyd hooyo, halka labada dhaawacantayne ay ahaayeen carruur ay dhashay, kuwaas oo la sheegay inay kasoo barakaceen degmada Ceelbuur.

Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Mataan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka bad-badaan falkaasi, waxaa baxsaday raggii ka dambeeyay weerarka.

Cabdullaahi Mataan ayaa markii hore ka baxay magaalada Muqdisho, si uu qoyskiisa u keeno caasimada, maadaama Ceellbuur ay ku wajahan yihiin ciidamada huwanta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday shacabka inay ka baxaan Ceelbuur, si aysan waxyeelo uga soo gaarin duqeymaha iyo dagaallada ku wajahan degmadaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dhacdadaasi, balse saraakiisha amniga ayaa wado baaritaano dheeraad ah.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa kusoo laa laabta dhacdooyinka noocaan oo kale ah, waxaana horay uga digay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa HirShabelle.

The post Gaari kasoo baxay Ceelbuur oo lagu rasaaseeyay Shabeelah Dhexe + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this