Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Jeneraal Sheegow oo lasoo qabtay kadib dagaal ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
369463315_1359049508024032_2408043708441

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro ayaa goordhow gacanta ku dhigay Jeneraal Sheegow oo ah sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya, kaas oo xalay ciidamada xasilinta caasimada oo kaashanaya kuwa Booliska Soomaaliyeed kula dagaalamay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley.

Dagaalka oo soo billowday abaare 9:00 habeenimo ee xalay ayaa soo gaaray illaa saaka, waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen Jeneraalka yo ciidmo uu watay oo gaaraya 25 askari, waxaana soo dhamaaday dagaalka.

Booliska ayaa sidoo kale la wareegay goobta lagu dagaalamay, waxaana haatan gaaray saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha amniga ee dowladda ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrinta sarkaalkan iyo dagaalkii xooganaa ee xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan ayaa sidoo kale sababay barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, kadib markii uu sameeyay dagaalka culus ee ka dhacay halkaasi.

Sida ay ogaatay Shabakadda Wararka Caasimada Online, dagaalka ayaa yimid  kadib markii ciidamada Boolis Milataaro ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato sarkaalkan ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada xasilinta ayaa soo xiray laba kamid ah ciidamada taabacsan sarkaalkaasi, ayaga oo lagu eedeynayo inay dhac geysteen, taas oo la sheegay inay dhalisay dagaalka qarxay.

Dagaalkan ayaa noqday kii ugu xooganaa ee dhex mara ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda marka loo eego dagaallada sanadihii u dambeeyay ka dhacay Muqdisho.

The post DEG DEG: Jeneraal Sheegow oo lasoo qabtay kadib dagaal ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this