Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo si kulul uga hadashay weerarka lagu qaaday hoyga Gen. Sheegow ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230819_082113277.jpg?resize=720

Dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay weerar sida la sheegay xalay lagu qaaday guri uu Muqdisho ka deggan yahay taliye ciidan oo ka soo jeeda beelaha laga tira-badan yahay.

Agaasime ku xigeenka Ciidanka PMPF ee Puntland Maxamuud Silaal Cumar ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in dulmi iyo hayb-sooc lagu weeraro Gen. Sheegow oo ka soo jeeda beelaha laga badan yahay.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in Puntland u taagan tahay ilaalinta sharafta iyo cirdiga dadka laga tira-badan yahay ee loogu xoog-sheeganayo awoodda dowladnimada.

“General sheegoow, aqbali-maynno in dulmi lagu weeraro iyo hayb-sooc. Dawladda puntland waxay u taagantahay ilaalinta sharafka iyo cirdiga dadka laga tira badanyahay ee loogu xoog sheeganayo awoodda iyo sharciyadda dawladnimada” ayuu yiri Maxamuud Silaal.

Hadalkiisa ayaa imaanaya saacado kadib markii xalay la soo tebiyay in ciidamo beelaysan oo adeegsanaya magaca dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoygiisa Muqdisho ku weerareen Gen. Sheegow oo ka dhashay dadka laga badan yahay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo si kulul uga hadashay weerarka lagu qaaday hoyga Gen. Sheegow ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this