Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab la weeraray oo xiisad ka dhex abuuray Turkiga iyo Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
a6784f8d-0c87-4aa3-8469-001cadd86c95_cx0

Turkey ayaa ugu digtay Moscow inay ka fogaato xiisad kale kadib markii markab xamuul ah oo laga leeyahay Turkiga ay weerareen ciidamada badda Ruushka toddobaadkii hore, waxaa sidaasi sheegay xafiiska madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

“Kadib faragelintii (Ruushka), dadkii nagala soo xiriiray Ruushka waxaa looga digay inay ka fogaadaan isku daygaas oo kale, taasi oo kasii dareysa xiisadda Badda Madow,” ayay tiri madaxtooyada Turkiga, kadib maalmo ay ka aamusneyd dhacdadan.

Markabka Sukru Okan ayaa sitay calanka Palau markii ay rasaas ku fureen ciidamada badda Ruushka Axaddii hore.

Militariga Ruushka ayaa kadib koray markabka si ay baaritaan ugu sameeyaan, kahor inta aanay u ogolaan inuu u shareecdo xeebta Izmail ee Ukraine, oo ah tan laga dhoofiyo dallaga ugu badan ee beeraha.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo ay sii kordheen weerarada ka dhaca Badda Madow, kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii haruurka Ukraine bishii tagtay

Turkey ayaa gacan ka gaysatay dhex-dhexaadinta heshiiskan oo ay taageereysay QM, ayada oo adeegsaneysa xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Moscow iyo Kyiv.

PUNTLAND POST

The post Markab la weeraray oo xiisad ka dhex abuuray Turkiga iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this