Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-1.jpg?fit=1284%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogleh oo haatan ka socdo xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo qaatay saacado badan.

Dagaalka oo soo billowday abaare 9:00 habeenimo ee xalay ayaa socdo illaa iyo hadda wuxuuna u dhexeeyaa ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamaya xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Dharkenley ee  gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamo milatari ah oo uu wato Generaal lagu magacaabo Sheegow oo tirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada xaslinta  caasimada ee loo yaqaano Boolis milataaro.

Sidoo kale waxaa dagaalka qayb ka ah ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo isku geedaamay halka uu dagan yahay General sheegow oo isna ciidamo badan ku haysta halka loo yaqaano Haanta Madow oo ka tirsan xaafadda Kaawa Godey.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Boolis Milataaro ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato sarkaalkan ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada xasilinta ayaa soo xiray laba kamid ah ciidamada taabacsan sarkaalkaasi, ayaga oo lagu eedeynayo inay dhac geysteen, taas oo la sheegay inay dhalisay dagaalka qarxay.

Barakac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ka socda halka lagu dagaalamayo, maadaama uu dagaalkan saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

Xaadda ayaa weli cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo la’isku adeegsanayo hubka noovyadiisa kala duwan.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadab dagaalkaas, waxaana weli socda howlgal la doonayo in lagu soo qabto sarkaalka la weeraray iyo ciidamadiisa.

Dagaalkan ayaa noqonayaa kii ugu xooganaa ee dhex mara ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda marka loo eego dagaallada sanadihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this