Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay garoonka Aadan Cadde + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoonka-Muqdisho-Airport.jpg?fit=1532%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal saaka aroortii horee lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa laba hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen agagaarka garoonka, halka mid saddexaadna uu ku dhacay gudaha garoonka Aadan Cadde, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka iyo ciidamada ATIMIS ee ku sugan xerada Xalane.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay shaqaalaha garoonka oo saaka lagu celiyay afaafka hore, sababo la xiriira weerarka lagu qaaday halkaasi.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaashan ay geysteen khasaare u badan dhaawac, waxaana ay waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 2 qof.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka garoonka iyo hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Inta badan Al-Shabaab Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku garaacda hoobiyeyaal aan laheyn wax bartilmaameed ah, waxayna dhiibaato si joogto ah uga soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxaba galabsan.

Qoriga hoobiyaha wuxuu leeyahay cabir lagu qiyaasi karo goobta ay ku dhaceyso xabadda laga rido, sidoo kale waxaa la qiyaasi karaa cabirka goobaha laga soo rido, maadaama lagu xisaabiyo kiilo mitir.

Si kastaba, weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada.

 

The post Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay garoonka Aadan Cadde + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this