General Duke Posted April 1, 2009 Xildhibaan Caamir Shakeeti oo dhaawac halis ah loogu geystey degmada Shibis, & cabsi soo food saartay Xildhibaanada baarlamaanka. (01-04-2009)Waxaa Saakay degmada Shibis dhaawac halis ah loogu geystey mid kamida Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Caamir Maxamed Shakeeti, waxaana weerarkaas geystey sidaay ay wararku nagu soo gaarayaan, dabley ku hubeysan bistoolado oo markii dambena goobti ka cararay. Goob joogayaal ayaa sheegay in Xildhibaanka la weeraray xilli uu ku sugnaa Suuq ku yaala degmada shibis waxaana falkaas geystey 3-nin oo ku hubeysan bistoolado, kadibna goobtii isaga cararay intii aaney soo gaarin ciidamda dowladdu. Raxan ka tirsan ciidamada dowladda ayaa markiiba soo gaarey goobta weerarka lagula beegsaday Xildhibaan Caamir Maxamed Shakeeti oo hore uga tirsanaa baarlamaankii maamulkii hore ee TFG-da ee haatan noqday baarlamaanka lagu badiyey wadaadada iyo qurbajoogta. Waa weerarkii labaad oo todobaad guduhiis Magaalada Muqdisho loogu geystey Siyaasi caan ah, waxaana maalmo kahor wadada Maka Al Mukarama dil toogasho ah lagu qaarijiyey Cabdiraxmaan Shifti iyo mid kamid ahaa Ilaaladiisa, ilaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay dilkiisa. Dalkanews.com Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites