Deeq A. Posted August 18, 2023 Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu dhawaan is casilay agaasimihii hore. Cabdixakiin inta aan loo magacaabin wuxuu la-taliye dhinaca siyaasadda ah u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa digreedada lagu magacaabay lagu shaaciyey inuu leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay Villa Somalia. Waa Agaaismihii labaad oo Villa Somalia ay yeelaneyso mudada sanadka iyo dhowrka bilood ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu xafiiska joogo. Waxaa dhawaan is casilay agaasimihii hore ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo iskiis uga tegay shaqada, wuxuuna maalmo ka hor shaaciyey sababta uu isaga casilay xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka. Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Xuseen Sheekh agaasimihii hore ee Villa Somalia. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii ay bulshada reer Koonfur Galbeed u heli lahaayeen is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada. “Waxaan sii wadi doonaa oo aan gelin doona dadaal aan kala go’ lahayn guud ahaan ka qaybqaadashada dadaallada dowlad dhiska ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u taagan yahay,” ayuu Xuseen ku yiri qoraalka uu soo saaray maalmo kadib markii ay soo baxday xogta is casilaadiisa. The post Villa Somalia oo agaasime cusub loo magacaabay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites