Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo shaaciyey qorshaha wadahadalka Al-Shabaab iyo cafiska xubnaha kasoo baxa

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Dhuusamareeb uga qeyb galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayey ayaa ka jawaabay weydiin ka timid bulshada oo ku saabsaneed wadahadal lala galo Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaas ayaa madaxweynaha weydiiyey in dowladu ay ogoshahay wadahadal, hadii ay dalbadaan Al-Shabaab.

“Hadiiba aan maara ugu heleyno wadahadal nimankaan oo ay naga ogolaanayaan maxaan ku diideynaa? Ma jirto sabab ay wiil dambe nooga dilaan anaguna aan u dilno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan wadahadal ogoleyn, isagoo cadeeyey in cafiskii ay dowladdu u fidisay qofkii kasoo hara Al-Shabaab uu weli u furan yahay.

“Dowladda Soomaaliya oo anigu aan hoggaamiyo horay ayry u cadeysay, qofkii ka soo hara fikirkaas waa cafis, weli waa u furan yahay cafiskaas, ninkii ka yimaada ee cadeeya inuu ka haray fikirkaas waxay masuuliyad naga saaran tahay inaan dib ugu celino bulshadiisa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in qofkii u qalma xil ama darajo ay dowladdu siineyso, markii ay cadaato in uusan gacan saar la laheyn kooxda oo si dhab ah uu uga soo haray.

“Hadii aan dhahno maxaa qof Shabaab ka yimid maxaa xil loogu dhiibaa? oo nolol iyo darajo aan loo ogolaan, muxuu naga soo doonayaa hadii intaas uusan naga heleyn?” Ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qofkii Shabaab ka soo baxa ay dowladu u diyaarisay hanaan lagu hubiyo “Hadii ay cadaato inuu qof caadi ah noqday dadkiisa ayuu dib ugu soo noqonayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

The post Xasan oo shaaciyey qorshaha wadahadalka Al-Shabaab iyo cafiska xubnaha kasoo baxa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this