Deeq A. Posted August 18, 2023 Haddii uu Maxamed Kaahin aqbalo Ururka Kulmiye oo kaliya in lagu wareejiyo East Burco Clan waxaa u taala:- W/Q: Boqor Buurmadow “Waxaan rajaynayaa shirka kulmiye ee kadhici doona burco inuu shar la aan kusoo dhamaado waxaan maqlayaa hogaankii siyaasada in lagu dooran doono sida muuqata. wasiir maxamed kaahin waxaa lagu wadaa in lagu wareejin doono kulmiye gudoomiyihiisa musharax madaxwayne na muuse biixi loogu cimaamadi doono Hadaba sida lawada ogyahay madaxwaynaha waxaanu kuwareejinay Xisbi buuxa urur kumaanu wareejin weliba wixii kharash iyo dhaqaale kubaxaayey Waa lagadaboolay ilaa doorashadii ka dhacday Hadii ay dhacdo in maxamed kaahin aqbalo inuu qaato gudoomiye urur Waxaan hubaa in ay beelaha East Burco Clan Kadareeri doonaan ururkaas Kulmiye lumina doonaan kalsoonidii iyo sharaftii ay uhayeen hogaamiye maxamed kaahin oo ay u hanwaynaayeen waxaana halkaas kusoo idlaandoonta hadiiba latuhmaayey Saaxiibnimo shuraako iyo wax isu quudhis Kornaylada dhexdooda ah East Burco Clan manoqon doonto in Marlabaad lagu awr kacsado Hadiise maxamed loo ogolaado musharaxa madaxwayne waxaa dhici Karta in East Burco Clan isla tagto geedkii gar adag talona laysugu yimaado waxaan hubaa in la odhan doono Odaygu da ahaan iyo halgan ahaanba wuu mudanyahay Inloo tixgeliyo si looga reebo qoodha tartanku uu kadhexeeyo Waxaynu sugnaaba waa maxamed oo siqiira ama ku baaso imtixaanka sugaya Ee afarta cisho ka hadhay” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites