Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne DENI oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyay inuu dhowr bilood indhaha ka fiirsanayay xasuuqa ka socda Laascaanood ee uu geysanayo maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Bayaan kasoo baxay Madasha ayaa waxaa ugu horeyntii lagu cambaareeyay wax ay ugu yeereen “xasuuqa joogtada ah ee maamulka Hargeysa ka wado magaalada Laascaanood,” ee isugu jira duqayn iyo weeraro joogto ah.

“Mdashu waxay tacsi u diraysaa dhamaan unadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka, maamulka iyo dhaqanka SSC-Khaatumo duqayntii arxan la’aanta aheyd ee maleeshiyaadka maamulka Hargeysa ku bartilmaamsadeen biri ma-geydo ugu dambeeyay AUN Abwaan Jaamac Kadiye,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Madashu waxaa ay eedayn usoo jeedineysaa maamulka Puntland wakhtigiisu gabaabsiga yahay inuu muddo dhawr bilood ah uu isha ka eeganayo xasuuqa ka socda Laascaano ee uu geysanayo Muuse Biixi.”

Madasha waxay ku eedaysay madaxweyne Saciid Deni iyo xukuumaddiisa in ay muddo dhawr bilood ah dusha ka daawanayso xaaladda ka taagan Laascaanood, xilli maamulka uu sheegay in tabar iyo dhaqaale wixii ay hayeen galiyeen dagaalkaasi.

Beesha caalamka ayay sidoo kale ugu baaqday in aysan indhaha ka laaban gabood-falka Taliska Muuse Biixi ka wado magaalada Laascaanood, kaasi oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan bini’aadannimada.

Ugu dambeyntiina waxay dadka reer Puntland ugu baaqeen inay u dhaqaaqaan sidii looga kor qaadi lahaa cadowga kor degan magaalada Laascaanood, oo ay ula jeedaan maamulka Muuse Biixi.

Madasha.jpg?resize=696%2C1007&ssl=1

The post Madaxweyne DENI oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this