Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta weerar culus oo Al-Shabaab looga dilay xubno badan, laguna burburiyay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo xalay xilli dambe lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaan oo dhacay xalay abaaro saddexdii habeenimo ayaa waxaa lagu beegsaday laba guri oo kooxda ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa howl-galkaan lagu burburiyey guryihii Shabaab-ka fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen, oo aheyd bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarkaasi.

Sidoo kale, in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal qorshaysan oo ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa ka go’an sifaynta Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaanka dowladda.

Tallaadadii ayay aheyd markii ciidanka NISA iyo saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ay si wada-jir ah howl-gal qorsheysan uga fuliyesn deegaan u dhow magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu burburiyay goob wayn oo fariisin u ahayd kooxda Al-Shabaab.

Goobta la burburiyay ayay dowladda sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay ka wadeen abaabul xooggan, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, loogana xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxaa howl-galkaasi ay ciidanka qaranka iyo taliska AFRICOM iska kaashadeen lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan markaas kasoo baxay dowladda.

Taliska Mareykanka ayaa laba jibbaaray howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ay ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda.

The post Xogta weerar culus oo Al-Shabaab looga dilay xubno badan, laguna burburiyay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this