Sign in to follow this  
Deeq A.

FALCELIN xooggaan oo ka dhalatay go’aankii dowladda ay ku kordhisay…

Recommended Posts

Deeq A.   
wasiir-Faarax-Sheekh.jpg?fit=2048%2C1366

Muqdisho (Caasimada Online) –
Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay qaraarkii uu shalay soo saaray wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, kaasi oo ku socday bahda waxbarashada ee dalka, gaar ahaan jaamacadaha.

Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa qaraarkaas ku shaaciyay go’aaano saameynaya jaamacadaha, isaga oo sheegay in lagu soo kordhiyay jaamacadaha hal sanno oo waxbarasho Aas aasi ah (Foundation Year), kaas oo bilaabanayo  sanad dugsiyeedka 2023/2024.

Sanadkaas ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu dhiso ardayda cusub ee galaya jaamacadaha, wuxuuna ka ka koobnaan doonaa laba Semester oo aan ku jiray muddada 4 sano ama ka badan waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda.

Ardayda ayaa sanadka koowaad la bari doonaa maadooyin ay kamid yihiin afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda, afka Carabiga iyo Engilishka, ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed. Sidoo kale waxa ay ardayda qaadan doonaan sanadka waxbarashada aas aaasiga ah daraasaadka Islaamka, gaar ahaan Fahamka Guud iyo Akhlaaqda Islaamka.

Wasaaradda waxa ay intaasi kusii dartay in lasoo kordhiyay maadooyin aan horay looga dhigan Soomaaliya sida Xallinta khilaafaadka, xiriirka bulshada, hab fikirka naqdineed (Critical Thinging) oo lagu bari doono ardayda waxbarashada heerka 1-aad ee jaamacadda.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay qayb ka noqoneyso qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee lagu hormarinayo tayeynta tacliinta saree ee dalka, xilli ay Soomaaliya sanadihii dambe horumar ka sameyneysay dhanka waxbarashada.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Samiir Bidhikoole: “Waa go’aanka wasiirka lagu xasuusan doono balse tayaynta waxay u baahantahay samaynta halbeegyada tayada iyo korjoogteynta jaamacadaha.”

Cabdixakiin Xasan Cusmaan ayaa isna yiri: “Dowlad wax la dhaho Soomaaliya kama jirto ardeyda waxbarashadiisa dowaladda hada jirto abood u malahan iney go’aan ka garto sababto ah ardeyda intaas oo sano waalid ayaa wax ka bixinayay waalidka ayaana laga wareysanaa in warkaas la qadan karo iyo in kale.”

“Wasaaradu waxay dalka ka tahy majidho waxbarashada waxaa iska bixiyey dadka masaakiinta ah oo ku dhiban mudadii burburkii,” ayuu yiri Maxamed Cabdillaahi.

Cabaas Xasan Salaad: “Waa arin u wanaagsan ardayda waayo jaamacada waxa uu imanayaa isaga oo dhinac walba ka dhisan waad nasiib badan tihiin guulaysta.”

Shamsudiin Ugaas Xuseen ayaa sidoo kale yiri: “Wakhti lumis un waaye 12 sanno aya Af-Somali loo soo dhigayay dadkan haday intas wax ku qaadan waayeen sanad waxba u tari maayo. Sidoo kale Carabi iyo English weligod ba loo soo dhigayay maxay ka hayaan?.”

“Mida kale tarbiyada islaamka war adeer ninki dooni carurtisu inay diinta barato alle culimo waa inoogu deqe ha geeyo masajidda. Waxay ahayd in laga fekaro waxbarasho tayaysan oo aan wakhti dheer lagu luminin.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxbarasho tayaysan oo wakhti dheer qaadata waa loo dulqaadan karaa laakiin tii aan ogeyn ayaa hadana sanad kale loogu sii daray!. Wa heshiis ay galeen kuwa isku tilmaama inay dadka waxbaranata io wasaaradda waxbarashada.”

“Waxiina wa lugooyo umadda wax barashada ha ka niyad jabina waxey faa’iido leedahay malaha qof hamigiisa un bay hoos udhigaysa,” ayey tiri Drs Beello Koofuraw.

Maxamed Maxamud Ibraahim: “Markaad sidaaas dhahaysaan ma waxa jiro cid aad ka bixisaan waxbarashada isku xishooda Shabaaab iyo iskuma darsan karno dowlad aan waxba dhaamin.”

“Wa sanad lugoyo ah. Ardayga markuu jaamacada bilaabo sanadka ugu horeyo ayu ku qata mqadoyinka foundation-ka. Fadlan dhalinyarada yanan waqtiga dahabiga ah laga lumin,” ayuu yiri Xamza Cabdullaahi Jaamac.

Yaxye Cabdi Xuseen: “Hadda ma waxaa na leedihiin Af-Somali hala baryo ayadoo dowladeena ay English ku hadleyso haleysku dheelo cad waaye hay’adaha dowladda waxa ku qoran waa wada English marka saaxiibyaalow inaad Af-Somali ka wada dhigtaanaa fiican markaas waa la wada baranaa. Wasiirada Soomaaliya mararka qaarkood ayagoo dhahaayan arkeysaa ‘maanta meeting ayaan leenahay waa inaan office-ka isugu imaanaa’ madaxda hadey saxan yihiin bulshada wey saxmeysaa salaaman.”

The post FALCELIN xooggaan oo ka dhalatay go’aankii dowladda ay ku kordhisay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this