Sign in to follow this  
General Duke

President has private meeting with Imam Maxamud [Imam of Banadir]

Recommended Posts

Madaweyne C/llaahi Yuusf Iyo Imaam Max'ud Oo Maanta Kulan ku yeeshay Caasimada KMG Magaalada Jowhar

Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 28/07/05

 

Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa maanta kulan la yeeshay Imaam Max'ud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha ****** ahna Duubka ugu Weyn Duubabka ******

 

Kulanka maanta u Madaxweyne C/llaah Yuusuf La yeeshay Imaam Max'ud ayaa ahaa arin inteeda badan looga hadlayay arimaha dalka soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu Imaamka U Sheegay in Dowlada ay imaamyada ka dooneyso sidii gobolada iyo Degmooyinka Dalka dib U heshiisiin laga hergelin lahaa sida ay ku soo warameen ilo ku dhow dhow imaamka

 

Imaam Max'ud imaam Cumar Ayaa sheegay In Duubabka ay had iyo jeer ay Dadaadl ugu jiraan sidii ay dib u heshiisiin ugu dhex wadi lahaayeen umada soomaaliyeed

 

Ra'iisul Wasaare Geeddi iWasiirka Qorsheynta Qaranka C/risaaq Juriile iyo xubno kale ayaa habeenkii xalay booqday Imaam Max'ud Guriga Uu ka Degan yahay Magaalada Jowhar isagoo Imaam Max'ud uu u mahad celiyay Booqashada ay Mas'uuliyiinta sar Sare ee dowlada ku soo booqdeen Guriga uu Jowhar ka degan

 

Imaamka ayaa beryahan ku sugnaa magaalada Jowhar iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu gobolka Shabeelaha Dhexe uu u yimid dhex dhexaadin uu ka dhex waday beelo dhowaan gacan ka hadal ku dhex maray Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan G/Sh/Dhexe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this