Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo wada Abaabulo ay dadweynaha kaga Codsanayaan inay soo Dhaweeyaan Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo wada Abaabulo ay dadweynaha kaga Codsanayaan inay soo Dhaweeyaan Muuse Biixi

Burco(Qaran news)-Xukuumadda oo wada Abaabulo ay dadweynaha kaga Codsanayaan inay soo Dhaweeyaan Muuse Biixi
Xukuumadda Somaliland ayaa abaabulaysa inay soo dhaweyn ugu sameeyaan madaxweyne Muuse Biixi magaalada Burco oo uu jimcaha ku beegan yahay inuu tago, si uu uga qaybgalo shirweynaha 8aad ee xisbiga KULMIYE oo Sabtida Furmaya.

Dadweynaha Magaalada Burco ayaa dhabarka u sii jeediyay madaxweynaha waxaanay socdaalkiisa ku tilmaameen mid aanay dani ugu jirin gobolka iyo Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa gudoomiyey kulamo loogu diyaar garoobayo soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee Magaalada Burco iyo dardar-gelinta Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in xukuumaddu ay magaalada ka wado abaabulo ay dadweynaha iyo waxgaradka kaga dalbanayso in soo dhaweyn weyn loo sameeyo madaxweynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this