Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
AL-Shabaab-Al-Shabab-scaled.jpg?fit=2560

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya 15-kii bishaan ay ku dileen Shan xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Cali Heele.

Sida lagu sheegay qoraalka taliska, goobta duqeynta laga fuliyay ayaa qiyaastii 244KM Waqooyi-bari kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Duqeyntan ayaa lagu taageerayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan, oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqayntan ayaa waxaa horey u baahiyay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna qeyb ka yahay dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu bilaaban doono wejigiisa labaad oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Taliska Mareykanka ayaa laba jibbaaray howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ay ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda.

Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore.

Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka.

The post Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this