Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi ma hoos-ka-sii Siyaasaddeed ayuu la ciyaaray Maxamed Kaahin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Ganacsiga Maxamuud Xasan (Saajin), ayaa noqonaya murrashaxa Madaxweyne iyo kuxigeenka Xisbiga KULMIYE, Ka dib markii ay Shaheen lacagtii laga doonayey murrashaxiintan oo ahayd shuruudaha lagu xidhay.

Murrashaxnimada madaxweynaha iyo kuxigeenka KULMIYE, si lama filaan ah dhawan loo shaaciyey in ay qayb ka noqonayso shirka Gole dhexe ee KULMIYE, oo markii hore qorshaha loo dejiyey ahaa in Maxamed Kaahin oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad lagu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga, ayaa waxa la soo daba baxay qorshahan Murrashaxnimada Madaxweynaha, oo dadka siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen hoos ka sii siyaasaddeed oo aanu ku talo gelin Mr. Kaahin, oo muddo dheer naawilayey Guddoomiyenimda Kulmiye iyo in la Saaxiibkiisa siyaasaddeed ee Biixi uu u raacin doono Murrashaxnimada KULMIYE, balse arrintan ayaa waxa soo afmeerayaa shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ee 20-ka bisha ka qabsoomaya Burco.

Maxamed Kaahin, ayaa murrashaxnimada Madaxweynuhu ee markiisi labaad oo distuurka iyo xeerka Kulmiye u ogol yahay, ay ku keentay culays siyaasaddeed oo lama filaam ah, taas oo musqabalkiisa siyaasaddeed ku yeelan kara saameyn weyn, madaama oo fursad uu u arkayey in Guddoomiyenimada KULMIYE ee uu la wareegayey uu wakhti kooban guddahooda uu ku heli karo murrashaxnimada Kulmiye.
Go’aammada ka soo bixi doona Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ayaa noqon doona mid saameyn ku yeesha masraxa siyaasadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this