Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Danqaran oo Ku Dhawaaqday in Dalka Xaalad Dagaal uu Ku Jiro

Recommended Posts

Deeq A.   
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayuu ku faray Hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan halganka socda ee dalka looga soo horjeedo Al-shabaab.
Golaha ayaa warbixin ku saabsan howlgallada socda ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey go’aanka Madaxweynaha Dowladda   Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaarey in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka socda.
“Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalku uu ku jiro dagaal la rabo qof walba in uu qaato doorka kaga aadden, si la isaga dulqaado culeyska Al-shabaab  sida uu hadalka u dhigay xilli uu hadlayay.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this