Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe oo guddi u saaray arrin xiisad xooggan abuurtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Aadan-Madoobe.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa magacaabay guddi cusub oo gaar ah.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa loo xil-saaray dhameystirka baarista iyo weliba inay warbixin dhab ah ka soo diyaariyaan xaaladda ka jirta xabsiyada iyo maxaabiista ku xiran.

“Tallo soo jeedinta Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ku taliyey in arrintaan loo saaro guddi gaar ah oo soo dhameystira baarista, islamarkaana warbixin kasoo diyaariya xaaladda ka jirta xabsiyada iyo maxaabiista ku xiran,” ayaa lagu yiri waraqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe ee lagu magacaabay guddigaan.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), halka guddoomiye ku-xigeen uu yahay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif.

Guddiga ayaa sidoo kale la kulmi doona hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrimaha maxaabiista sids Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo dhamaan bahda cadaaladda si loo helo warbixin dhameystiran oo ku aadan arrinkaan.

“Guddiga waa inuu warbixin dhab ah kasoo diyaariyo xaaladda nololeed ee ka jirta xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho. Gufdiga waa inuu warbixintiisa u soo gudbiyo Guddoonka Golaha Shacabka si go’aan loogu gaaro.”

Sidoo kale waxaa la faray hay’adaha dowladda ay quseyso arrintaan in ay la shaqeeyaan guddigaan isku dhafka ah, si ay warbixin dhab ah oo dhameystiran ugu keenaan shaqada loo igmaday ee xaaladda nololeed ee maxaabista xabsiyada caasimada.

“Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka waxaa la farayaa in uu ku wargeliyo xubnaha Guddiga in ay si deg deg ah ku howl-galaan, kullamadooduna abaabulo una fududeeyo wixii xil-gudashadooda ku aadan.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli xabsiyada Muqdisho laga soo warinayo cadaalad darro xooggan iyo tacadiyo ka dhan ah maxaabiista, taasi oo dhawaan dhalisay xiisad xooggan.

Maxaabiista qaar ayaa lasoo wariyay inay iska xiran yihiin 10 sanno, ayaga oo dhameystay mudaddii xukunkooda, midaasi oo si weyn loogu dhaliilay bahda garsoorka ee dalka, uuna dhawaan ka gil-gishay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka xukuumadda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacayada guddiga;
366716911_616574343986538_67710933439646

366744484_616574397319866_31873441689836

The post Aadan Madoobe oo guddi u saaray arrin xiisad xooggan abuurtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this