Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo Kormeeray Hay’adda Shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta kormeer ku sameeyay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL iyo Machadka Shaqaalaha Dawlada, Isaga oo u kuur-galay sida shaqada iyo hawl socodsiintu ay qaranka u hayaan ay u socoto.
IMG-20230817-WA0006-300x200.jpg
Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Mudane Khaalid Jaamac Qodax, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka, agaasimaha guud, iyo Agaasimaha fulinta ee Mac’adka shaqaalaha ayaa ku soo dhaweeyey xarunta guud ee Hay’adda shaqaalaha dawlada Madaxweyne ku-xigeenka.

Guddoomiyuhu waxa uu warbixin ka siiyey dhammaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Hay’addu, waxaanu la wadaagey siyaasaddihii, xeerarkii iyo waxqabadkii dib-u-habaynta shaqaalaha ee Hay’addu wadday sannooyinkii dambe oo dhan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-Xigeen ku waxa uu uga mahad-naqay dhammaan masuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha sida wacan ee ay qaranka ugu wadaan hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u igman yihiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this