Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland & Jabuuti oo iska kaashanaya dhismaha Masaajidka Qiblateyn-ka Seylac.

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland & Jabuuti oo iska kaashanaya dhismaha Masaajidka Qiblateyn-ka Seylac.
IMG-20230817-WA00081-300x133.jpg
Jabuuti-(Qaran news)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay la kaashanayso xukuumada Jabuuti dhismaha masaajidka qiblataynka Saylac, una gudbisay qorshahiisa.
Wefdi uu hogaaminayey Wasiirka Diinta Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Xuseen Albaani, kuna wehelinayeen Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, wakiilka Wadaxaajoodka Edna Adan ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday xukuumada Jabuuti shalay.
Fariin uu bartiisa Twitter ku baahiyey Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani ayu uku yidhi,
“Waxaanu manta (shalay) u bandhignay dawladda Jabuuti qorshaha dayactirka iyo dib u dhiska Masjidka labada qiblada ee ku yaala magaalada Saylac ee gobolka Awdal ee Somaliland.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey,
“Saylac waa magaalo qadiimi ah oo u dhow Jabuuti, waxaana wadaaga bulshooyinka xuduudka ku nool ee ku nool Somaliland & Jabuuti.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this