Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W XAMZA oo amar dul-dhigay golaha wasiirada iyo hay’adaha DF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
366073586_651164907112659_11309349918889

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo guddoomiyay shirka golaha wasiirada ayaa amar dul-dhigay golaha xukuumadda iyo hay’adaha kale dowladda, isaga oo faray inay ka qayb qaataan dagaalka Al-Shabaab.

Xamza ayaa xusay inay muhiim tahay in loo istaago xoreynta dalka, isla-markaana laga wada qayb-qaato halganka uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa sidoo kale boggaadiyey go’aanka madaxweynaha uu ku gaaray in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka ay ku jiraan.

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dalka uu ku jiro dagaal la rabo qof waliba in uu qaato doorka kaga aaddan, si la’isaga dulqaado culeyska ay shacabka ku hayaan Al-Shabaab.

Inta uu kulanka socday waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal looga sifeynaayo Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe.

Ugu dambeyn kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la filayaa in dhawaan la guda galo wajiga labaad ee howlgallada lagu xoreynayo dalka.

365984790_651165017112648_81265109649690 366019373_651165170445966_48142935175751 366073586_651164907112659_11309349918889 366084487_651165640445919_11388482913955 367057862_651166583779158_69722915557967 368045583_651165603779256_44170896901809 368257531_651166243779192_67413541546910 368260722_651166383779178_24000039818705 368385626_651166570445826_10996518516364 368398862_651164910445992_77930218203538 Biixi-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Muxudiin.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post R/W XAMZA oo amar dul-dhigay golaha wasiirada iyo hay’adaha DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this