Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo iyo canug yar oo lagu dilay qarax ka dhacay Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay duleedka degmada Ruun-Nirgood oo ka tirsan gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleelay Hooyo iyo canug yar oo ay wadatay xilli ay ku socdaalayeen duleedka Ruun-Nirgood, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka degmadaasi oo lagu magacaabo Muxudiin Maxamuud Kulmiye.

Guddoomiyaha oo la hadlay waraabhinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay in Hooyada ay geeriyootay iyo canugana uu dhaawacmay.

“Miino ay ciidamada u dhigeen ayaa la kacday dad rayid ah gabar canug muluq ah wadata ayaa ku dhimatay, canugiina waa dhaawac” ayuu yiri guddoomiye Muxudiin.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qaraxa uu ka dhacay dhul keyn ah oo ku yaalla duleedka degmada, halkaas oo uu tilmaamay inay dhuuntaan Al-Shabaab.

“Meesha uu dhibka ka dhacay waa dhulka keynta ah oo ay ku jireen waa meel istaraatiiji ah oo la’isaga gudbi jiray oo waddooyin badan ay iska dhaafaan” ayuu sii raaciyay.

Muxudiin Maxamuud Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ku raad-joogaan xubnaha Al-Shabaab ee ka dambeeyay qaraxyaas, ayna hadda wadaan howlgallo.

“Ciddii ka dambeysay falkan waa lagu raad-joogaa waa ciddaan Khawaarijta ah, waana gabagabo hadda xaaladdooda” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiyuhu.

Ruun-Nirgood oo todobaadkan ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda ayaa waxaa weli ka socda howlgallo amni xaqiijin ah, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

The post Hooyo iyo canug yar oo lagu dilay qarax ka dhacay Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this