Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga falceliyay dilka Abwaan Jaamac Kadiye?

Recommended Posts

Deeq A.   
367419482_6919850684705988_3809840055575

Laascaanood (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay magaalada Laascaanood lagu dilay Abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye, kaas oo ku dhintay madaafiic ay Somaliland ku garaacday bartamaha magaaladaasi.

Geerida Abwaanka ayaa si weyn looga dareemay dalka, waxaana la sheegay in xilliga la dilayay uu la socday baabuurkiisa, isla-markaana uu ku habsaday madfac habow ah.

Abwaan Jaamac Kadiye ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.

Haddabada sidee looga falceliyay dilkiisa?

Inta badan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa si weyn uga hadlay geerida ku timid AUN Abwaan Jaamac Kadiye, waxayna sidoo kale cambaareeyeen duqeynta lagu dilay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kamid ah madaxda ka hadashay dilka Abwaanka ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Jaamac Kadiye oo lagu dilay duqeynta Laascaanood.

Xamza ayaa sheegay in Abwaanka uu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa isaguna tacsi kadib ku eedeeyay Somaliland ay in duqeyn ku leyneyso haldoorka kasoo jeeda gobolka Sool.

“Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono. Waxaana ka tacsiyeeynaya dhammaan dadkii ku geeriyooday duqeyntaasi” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray madaxweyne Deni.

Dhankiisa madaxweynaha Jubbaland ayaa ka falceliyay dilka loo geystay Abwaan Jaamac Kadiye, wuxuuna tilmaamay in Somaliland ay falal lid ku ah xuquuqda aadanaha ka waddo magaalada Laascaanood oo ay haatan kula dagaalameyso ciidamada deegaanka ee SSC.

“Falalka lidka ku ah xuquuqda aadanaha ee Maamulka Soomaaliland uu ka gaysanayo Laascaanood maha Kuwo lagaga baxsan doono Caddaalada iyadoo si ula kac ah loo beegsanayo goobaha dadka aan waxba galabsan iyo bulshada caadiga ah ay ku nool yihiin” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale kamid ah madaxda kale ee ka hadlay Mustafe Muxumed Cagjar oo ah madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna Ebbe naxariiriistii Janno uga baryay Abwaan Jaamac Kadiye oo uu tilmaamay inuu Abwaan baadi goobayay midnimo.

“Inalilaah wa inaa ilaahi raajicuun. Naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo Abwaan Jaamac Kadiye. Eheladda, qaraabadda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan alle ha ka siiyo. Wuxuu ahaa Abwaan sugaantiisa ku baadi goobay midnimadda iyo wanaaga shacabka soomaaliyeed. Allah Yarxam.” ayuu isuguna yiri madaxweyne Cagjar.

The post Sidee looga falceliyay dilka Abwaan Jaamac Kadiye? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this