Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo war culus ka soo saartay dagaal ka dhacay Galgaduud oo Shabaab lagu laayey

Recommended Posts

Deeq A.   
Jeneraal-Caanood.webp?fit=1023%2C575&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in howlgal maanta ka dhacay aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada xoogooda ay ka dhaceen jihada xigta deegaanka Wabxo oo Al-Shabaab ay weli sugan yihiin, balse maanta laga saaray deegaano u dhow.

“Deegaanada Ceelbacad iyo Lix-iridood maanta dagaal culus ayaa ka dhacay, waxaa Khawaarijta lagu weeraray ilaa afar goobood, waxaana dhacay dagaal aad u culus,” ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in maanta aaga deegaanka Wabxo uu ka dhacay dagaal culus oo sababay in la dilo in ka badan 30 Shabaab ah.

“Waxaan xaqiijinay in dagaalkii maanta lagu dilay ilaa 30 Khawaarij ah, anaga hal askari ayaa naga shahiiday, waxaa Khawaarijta laga gubay gaari ay qarax ku soo rareen ciidanka ayaa fashiliyey dhagartaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Caanood.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamada deegaanka ay ku guuleysteen in deegaano badan laga xoreeyo kooxda, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in ciidamadu ay saacadaha soo socda gudaha u galaan deegaanka Wabxo.

Dhinaca kale, Afhayeenku wuxuu ku dheeraaday sharaxaada qorshaha dagaal ee dowladda, isagoo sheegay in si taxadar leh oo tartiib ah ciidanku ay u soconayaan ilaa ay ka gaaraan deegaanka ugu dambeeya ee Shabaab joogo.

“Qorshaha Khawaarijtu waa inay ciidanka dabamareeyaan oo qaraxyo jidadka u geliyaan, anagu markaan aragnay qorshahooda waxaan go’aaminay in ciidanka aan la dedejin oo geed kasta laga saaro kooxda, iyadoo laga fogaanayo dhagartooda, ciidanku wuxuu ku socdaa lug, jiho aad u balaaran,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Ugu dambeyntii Jeneraal Caanood ayaa dadka ku nool aagga Galhareeri iyo Ceelbuur ugu baaqay inay isaga cararaan meelaha ay joogaan Al-Shabaab, isagoo tusaaleeyey nolosha wanaagsan ee loo qorsheeyey dadkaas oo asaagooda ay Al-Shabaab ka reebeen.

Hoos ka daawo

The post Daawo: DF oo war culus ka soo saartay dagaal ka dhacay Galgaduud oo Shabaab lagu laayey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this