Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo weerar ku qaaday Al-Shabaab oo qarax lala eegtay + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga.jpg-ciidan-dagaal-ciidamada.jpg?f

Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen hoodka u dhexeeya degmada Ruun-Nirgood iyo deegaaka Ceelbacad.

Ciidamada huwanta ee weerarka qaaday ayaa lagu soo warramayaa in meel dhexe lagula beegsaday qarax miino, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxaas lagu dilay ugu yaraan illaa 5 askari, laguna dhaawacay tiro kale, kuwaas oo isugu jiro Xoogga dalka iyo Macawiisley.

Intaas kadib ciidamada ayaa si waday howlgalkooda, waxayna ku gaareen goobta bartilmaameedka u aheyd ee ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay ku dagaalameen halkaasi, kadibna laga adkaaday xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dagaalkaas ku dileen  10 xubnood, ayna cagta mariyeen saldhiggii Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqooda ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada huwanta waxa ay howlgallo culus ka wadeen xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ee HirShabelle iyo Galmudug.

Si kastaba, maalmo kahor ayay aheyd markii ay gacanta dowladda soo gashay degmada Ruun-Nirgood oo noqotay degmadii ugu dambeysay ee laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

The post Ciidamo weerar ku qaaday Al-Shabaab oo qarax lala eegtay + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this