Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Carada ka dhalatay hadalkii Dubbe oo xoogeysatay – Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Dubbe-1.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khilaaf Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Aqalka Sare, kaas oo  si weyn u canaantay Xildhibaannada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay Aqalka Sare.

Khaliif oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay bannaanka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Dubbe inuu aflagaadeeyay guud ahaan xildhibaanada Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha tuute ayuu gashtay waa sax, dagaalka uu tegay waa sax laakiin waxaa dheeraad ku aheyd inuu yiraahdo xildhibaanada Soomaaliyeed waxay tumanayaan Party iyo xafladeyn iyo Qaaci ayay ku jiraan” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in si deg-deg ah uu raalli-gelin uga bixiyo hadalka uu ka sheegay xildhibaannada ee ku aadan inay Qaaci tuntaan, xilli dalka uu jiro dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

“Dadka is radin lahaa ee is dacayadeyn lahaa ma nihin waa inii raalli-gelin ka bixiyo si Public ah, sida uu u dacyadeeyay xildhibaanada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Anigu shaqsi uma hadlayo qolooyinka la xamanayana kuma jiro, laakiin waxaa aflagaadaa mas’uul aflagaadeynaya mas’uul kale marka Senatorka haka noqdo kalmadaasi”

Horay waxaa arrintaan uga hadlay Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo isna tilmaamay in Senatot Dufle uuu gefay xildhibaannada.

“Marka labaad ka xildhibaan ahaan waxaa ka codsanayaa in arrintaas uu raalli-gelin ka bixiyo horta oo Xildhibaannada uu ku gefay uu raalli-gelin siiyo, isaga oo caddeyn doono cidda uu ula jeeday iyo qolada Qaaciga tumata iyo halka ay ku tuntaan” ayuu yiri Cali Xaaji

Hadalka Dubbe ee falcelinta dhaliyayayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda xarun ka dhigtay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug.

The post Daawo: Carada ka dhalatay hadalkii Dubbe oo xoogeysatay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this