Sign in to follow this  
Deeq A.

Is afgarad hor leh oo dhex maray ergadii gudiga beesha Garxajis iyo jabhada Gacanlibaax

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)- Gudida beelaha West Burco Clan ee ayaamahii u danbeeyay ergada ugu maqnaa jabhada buurta Gacanlibaax, ayaa kulan socday saddex cisho oo isku xiga ayaa ay wararku sheegayaan in gudidaasi ay ku guulaysteen in wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

Ilaa hada may helin saxaafadu go’aamada ay labada dhan isku afgarteen hase ahaatee warar ay qarannews.com heshay ayaa sheegaaya in gudiga West Burco Clan ee arinkan galay ay dib ugu soo noqdeen hogaanka dhaqanka ee East Burco Clan iyo Awal iyo ergoiyinkii kale ee arinkani ku jiray oo ka war sugaayay.

Waxa ugu mihiimsan ee ilaa hada la sheegayaa ee afgaradka ugu horeeyaa uu yahay in aan jabhadu wax talaabo ah ayna qaadin oo ay ku sugnaadaan aagaasi inta la isugu soo noqonaayo wada hadal kale.

Mar aanu la xidhiidhnay gudiga beesha West Burco Clan way diideen in ay wax war ah bixiyaan iyag oo sheegay in arinka war baxa ay iska joojiyeen

Gudida beelaha West Burco Clan ayaa hada qaarna soo gaadheen magaalada Hargeysa inta kalena dhexda ku soo jirtaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this