Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Masuuliyiin ka Socda ICRC

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Masuuliyiin ka Socda ICRC
IMG-20230816-WA00011-300x200.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Mustafe Cumar Faarax, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socday hay’adda International Committee of The Red Cross (ICRC).

Kulanka agaasimaha iyo saraakiisaha hay’adda ICRC, oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay arimo khuseeya bina’aadanimada oo ay sababeen khilaafka magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii caawimo loo gaadhsiinlahaa dadka ku barakacay Laascaanood.

Agaasimaha ayaa saraakiisha u sheegay in dowladda Somaliland siyaasadeedu tahay ilaalinta xuquuqda bulshaweynta ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Agaasimaha ayaa saraakiisha hay’adda ICRC, ku wargeliyay in Maleeshiyaadka ka dagaalamaya gudaha magaalada Laascaanood ay fadhiisimo ka dhigteen xarumaha loogu adeego bulshada, sida cisbitaalada, iyo iskuullada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this