Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamza xil cusub u magacaabay Hodan Cismaan Cabdi

Recommended Posts

Deeq A.   
368053674_753000700199872_35376446236299

Muqdisho (Caasimada Online)– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta sameeyay magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.

 

Xamza ayaa u magacaabay La-taliyaha Sare, ahna Xiriiriyaha Guud ee Horumarinta Karaanka Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr Hodan Cismaan Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabistan kadib markuu arkay kartida, aqoonta iyo waaya-aragnimada Marwo Hodan, isla markaana uu Tixgaliyay baahida loo qabo in la hormariyo awoodda iyo karaanka bulshada, taasi oo qayb ka qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Hodan Cusmaan ayaa horay uga tirsaneyd howlwadeenada xafiiska raiisul wasaaraha, waxayna sidoo kale aheyd la-taliyaha dhanka xiriirka caalamiga ah ee Xamza Cabdi Barre.

The post Ra’iisul wasaare Xamza xil cusub u magacaabay Hodan Cismaan Cabdi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this