Deeq A. Posted August 16, 2023 Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Senator Cismaan Abuukar Dubbe ku amaanay hadal uu maalin ka hor ka jeediyey kulan uu yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii 14-ka Agoosto ee sanad guurada Galmudug ka sheegay inuu dhageystay hadalka Sanetor Dubbe, wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka dhan ay sida Dubbe u fekeraan. “Waxaan daawaday Senator Dubbe oo ka hadlaya Aqalka Sare, si Soomaalinimo ah oo macna leh, qof kastana oo qof kasta oo Soomaali ah in intaas oo kale uu fahmo ay muhiim noo tahay ayuu u hadlay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay hadallada xun meel iska dhigaan oo dowladda lagu garab siiyo dagaalkaan, “War qof kastow wixii aad nagu tari karto halganka socda ku tar, inta uu rabo hala ekaado, dagaalan cidi kuguma qasbeyso, laakiin xeelado badan ayaad uga qeyb qada kartaa xoreynta dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula taliyey qofkii aan garab istaagi karin halgankan inuu iska aamuso. “Inaad meelaha ka bacbaceyso oo reer hebel iyo reer hebel isku dirto waxaba kuu tari meyso, inaad faafiso dacaayado hadii maxkamad lagu soo taago aadan cadeyn u heyn haku daalin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Dhuusamareeb. Senator Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa fadhigii Golaha Aqalka Sare ku canaantay Xildhibaannada BFS, isagoo sheegay inay isaga jiraan nolol caadi ah, xilli dalka uu ka socdo dagaal jihaad ah oo dowladii ay ka tirsanaayeen ay ku qaaday Al-Shabaab. “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Dubbe. Waxa uu intaas kusii daray “Waa in dagaalka la wada galo oo furimaha la wada tago, waana in la fasaxo waxbarashada, shaqaalaha dowladda, si loo wada galo dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.” Waxa uu soo jeediyay si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka socda loo wada istaago, taasi bedelkeedana ay noqoneyso Soomaaliya meel laga quusto haddii laga adkaan waayo argagixisada. “Waxa ay ahayd dhammaanteen in aan gurmanno, maanta jiritaankeen ayaa la’isku hayaa, intii aan u gudbin Federaal. Dad baa u haysta in haddii Xasan Sheekh uu ku soo jabo dagaalka in dowlad cusub iska imaaneyso; Wallaahi in aanan noqoneynin, Soomaaliya waxa ay noqoneysaa meel ay ka quustaan maalgaliyaasha.” Sidoo kale waxa uu yiri “Shaqada waan u soo laabaneynaa ee dagaalka aan wada galno, waxa aan raabnaa in dowladdu fasaxdo Iskuullada, Jaamacadaha, shaqaalaha iyo Wasaaradaha, dalka waxa uu ku jiraa inta uu u dhaxaysa nolol iyo geeri, haddii kale taariikhda waxa la oran doonaa dad Soomaali ah baa jiri jiray.” Hadalkaan ayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, halkaan wuxuu Madaxweynuhu ka abaabulayaa howlgal la doonayo in maalmaha soo socda lagu soo afjaro dagaalyahanada kooxda ee ka dagaalaya Galmudug.The post Madaxweyne Xasan oo ka soo jawaabay hadalkii Dubbe appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites