Jacaylbaro Posted October 3, 2007 Hargeysa(Geeska)- Ciidamada Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa xalay guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, agtiisa ku qabtay nin dharka dumarka xidhnaa. Sidaas waxa xalay Geeska Afrika u cadeeyay qaar ka mid ah saraakiisha Booliska ee magaalada Hargeysa. Boolisku waxa ay sheegeen in ninkaas oo xidhnaa Jalbiibka dumarka, Macawis iyo garan abaaro 11:50 habeenimo ee xalay laga qabtay agagaarka guriga Madaxweyne-ku-xigeenka, waxaana islamarkiiba lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa. Waxa ay saraakiisha Boolisku xuseen in ninkaas markii la qabtay aan laga helin wax hub ah. Ilaa hadda ma cada ujeedada ninkaasi u xidhay dharka haweenka ee uu weliba u abaaray guriga Madaxweyne ku xigeenka. Sidoo kale saraakiisah Boolisku ma cadayn inuu ninkaasi yahay nin Caafimaad qaba, balse qaar ka mid ah ciidamada Booliska ee xalay ku jiray shaqada heeganka ayaa tilmaamay in muuqaalkiisu u eegyahay qof maskaxiyan xanuunsanaya. Hase yeeshe waxa ay tilmaameen in baadhis lagu hayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites