Sign in to follow this  
Deeq A.

Raga Jabhada Gacanlibaax hogaaminayaa waa reer Hargeysa kuwa Hargeysa shirarka ku qabanyaana Muuse ayay been u sheegayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Sadexdii todobaad ina soo dhaafay waxa ina asqeeyay kulamo la lahaa waxa lagaga soo hor jeedaa Jabhada Gacanlibaax, kulamadaasi waxa xooga lagu saaray beesha Isaxaaq Care in ay hadasho oo mawqifkeeda cadayso oo dhaleecayso in ayna jabhadaasi ku jirin.

Waxa 2 shir lagu qabtay Hudheelka Kaah xaga midna lagu qabtay beerta Bare Warsame ee ku taala bariga Hargeysa, dhamaan kulamadaasi waxa ay ku dhamaadeen faashil mana ay ahayn kuwo ay ka soo qayb galeen dadkii bulshada matalaayay taasina waxa ay sababtay in wixii hore lagu kalsoonaan waayo oo xukumadu ay hadana soo abaabusho kulan lagu sheegay Baho West Burco Clan oo ka dhigan Isaxaaq iyo Ciidagale kulankaasi waxa uu isu rogay mid aflagaado iyo turxaan uun dadka kala dhex dhigaaya mana uu ahayn mid guulaystay.

Marka aan xaqiiqda raga buurta Gacanlibaax ku jira ee Jabhada ah ee xukuumadda Muuse Biixi ka soo hor jeedaa waxa hogaaminaaya rag reer Hargeysa ah oo ka soo kala jeeda bariga iyo koonfurta Hargeysa waana madaxda ugu saraysa ee hagaaya kooxdaasi. Waxana haboon in aan kolba afar meel isku soo urursadaa ayna aflagaadayn cidnaba ummaddana been loo sheegin xukuumaddana aan kolba shilin laga soo qaadin ee waa in raga buurta loogu tagaa oo la soo qanciyaa wixii ay tabanyaana la ogaadaa haday qaldanyihiina runta loo sheegaa.

Waxa haboon in dhalinyarada kooxdaasi ku biiraysa la siiyo wacyigalin xaga maalin walba Hudheel laga qaylinaayo oo shaqsi kastaa oo aan ognahay uu ilaashanaayo dano gaar ah.

Mawqifka dhabt ah ee Isaxaaq Carre ee ku aadan hawshani waa mid cad oo ay kow ka tahay nabad kuwda noolaan shaha dalka iyo gaar ahaan caasimadda in aan la dumin wixii inoo dhisan, in ay beelaha wada daga caasimaddu yihiin dad walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmaynin in wixii laga tirsanaayo xukuumadda aan loo qaadan xumaan.

In xukuumaddu joojiso sida qaldan ee ay u soo ciyaarsiinayso rag deegaanka ka mid ah oo aan fahansanyn waxa maqan iyo waxa jooga isla markaasina xuquuqda deegaanda meel kaga dhacaaya iyaga oo maantaba oofin kari waayay wixii ay xukuumaddu doonaysay.

Xukumadihii kala danbeeyay ee Kulmiye way ku fashilmeen in ay wax mashaariic ah oo dadweynaha u dan ah ay ka fulliyaan degmooyinka Cadaaddley iyo Sabawanaag haday noqoto caafimaad, waxbarasho ama harooyinka waaweyn ee lag hir galiyay qaybo ka mid ah Togdheer iyo Maroodijeex ha ugu sii liidato xukuumadda Muuse Biixi oo ku fashilantay 6 sano ee ay xukunka haysay in hal iskuul ay seegaanada ka fuliso.

Gabo gabo
Waa in xukuumaddu dhagysataa dadka dalkana laga qabtaa doorasho laga wada raali yahay. Waana in la ilaaliyo wada jirka shicibka iyo qarannimada Somaliland.

La so qaybta labaad

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this