Sign in to follow this  
Deeq A.

Bushaaro Baandey oo maanta la xukumay – Sidee wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   
367716833_677393577768417_49648683167446

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta xukun ku riday Wariye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirneyd magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyntii maanta hal sanno oo xabsi ah ku xukuntay Bushaaro Baandey. Xukunkaan ayaa la sheegaya inuu yahay xarig la iibsan karo.

Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, taasi oo walaac ka muujiyeen wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

Qoyska Bushaaro Baandey ayaa durba soo dhaweeyay xukunka maxkamadda, ayada oo Hooyada dhashay ay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay go’aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda.

Bushaaro ayaa xoriyadeeda dib u heli doonto kadib marka loo iibiyo xukunka halka sanno ee xariga ah, waana sababta ka dambeysa sida la sheegay in qoyska Bushaaro ay soo dhaweeyaan xukunka maxkamadda.

Si kastaba, Bushaaro oo muddooyinkii dambe u xirnay maamulka ayaa waxaa xukuumadda Muuse Biixi cadaadis lagu saarayay sii-deynteeda, ayada oo hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee The Committee to Protect Journalist (CPJ) ay horey ugu baaqday in deg-deg loo sii daayo Wariye Bushaaro Baandey oo markaas lasoo warinayay in xaalad caafimaad darro ku haysato xabsiga.

Sidoo kale waxaa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro, taasi oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneyd.

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ayaa noqoneysa xukuumaddii xarigii ugu badnaa u geysatay suxufiyiinta Somaliland, iyada oo lagu eedeeyo ku tumasho sharci iyo inay iska xirato ciddii ay rabto.

The post Bushaaro Baandey oo maanta la xukumay – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this