Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Xamza iyo Safiirka Imaaraadka?

Recommended Posts

Deeq A.   
367998365_650165627212587_24599959180405

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankaan iskula soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada.

Danjire Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa leh xiriir wanaagsan, ayaga oo dhawaan gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga.

Si kastaba, Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay.

367716910_650165617212588_72764529146630

367998365_650165627212587_24599959180405

The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Xamza iyo Safiirka Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this