Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbad: Xasan Sheekh oo shaaciyey halka uu degi doono markii uu ka guuro Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
336643967_1327503314767061_9079223448084

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Galmudug, taas oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo rajada laga qabo dib u soo kabashada dalkaan, si gaar ah dagaalka Al-Shabaab, dib u heshiisiinta iyo dhismaha dalka iyo dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda Galmudug ku amaanay sida ay muddo kooban ugu guuleysteen dib u dhiska maamulka, deegaanada iyo dib u heshiisiinta oo reer Galmudug ay ka gaareen heer wanaagsan.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday dagaalka Al-Shabaab oo dartiis uu Dhuusamareeb u joogo, isagoo rajo weyn ka muujiyey in mar aan fugeyn ay dowladiisu ka guuleysa doonto kooxda.

“Shabaab ha iska siin dhaqaalahaaga adiga ayey kugu halaagayaan, dadka adiga ayaa ugu cuqubo badan, adiga ayey kuu hor-dilayaan, qaraxa ka wareeg kuma dhahayaan, meeqa Shabaab lacag sii jirtay ayey qarax ku dileen? Maanta gabagabo ayey joogaan ee maanku ha idiin soo laabto,” ayuu yiri Maxaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Galmudug uu ku xiji doono Koonfur Galbeed, kadibna uu uga sii gudbi doono Jubbaland, intaasna uu daba soca doono Khawaarijta Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay la dagaalanka Musuq-maasuqa, isagoo mar kale masuuliyiinta dowladda uga digay inay ku kacaan xatooyo xoolo dadweyne.

“Nin wax xaday waa tuug ee tuug ha noqon, cafis malihid hadii tuugnimo laguugu helo, qaanta dowladu ma harto, maalintii wax idaba-marinta waa dhamaatay,” ayuu yiri Maxaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta dowladda uga digay inay masuuliyadooda dayacaan, “Hadii aad dayacdo shaqada meeshii aad ka heysay ee musuq ka dhaco ogaaw xitaa hadii laguugu waayo xatooyo waxaad ciqaab ku muteysa doontaa dayacaada aad sameysay,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

The post Khudbad: Xasan Sheekh oo shaaciyey halka uu degi doono markii uu ka guuro Galmudug appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this