Sign in to follow this  
Deeq A.

Toos: Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb uga qeyb-gelaya sanad guurada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_3490-scaled.jpeg?fit=2560%2C1920&ssl

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Munaasabad weyn oo loogu dabaal-degayo 17-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay dowlad goboleedka Galmudug ayaa caawa ka socota magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, madaxda ugu sareysa Galmudug, saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha NISA Mahad Salaad, xildhibaano iyo wasiirro heer gobolka iyo heer federaal ah ayaa caawa ka soo qeyb galay munaasabadaan.

Munaasabadaan oo ka balaaran dabaal-degyadii horay uga dhici jiray Galmudug ayaa caawa ka socota Dhuusamareeb, waxaana soo buux dhaafiyey madaxda dowladda federaalka, maadaama ay ku wada sugan yihiin Dhuusamareeb.

Madaxda dowladda federaalka ayaa isugu timid Dhuusamareeb, waxaana halkaan ka socda abaabul dagaal oo aad u baaxad weyn, kaas oo Galmudug looga ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Munaasabadaan lagu xusayo sanad guurada 17-aad ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sanadkaan ku soo aaday xilli ay Dhuusamareeb wada joogto madaxda ugu muhiimsan dalka.

Madaxda dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu sareeyo ayaa Dhuusamareeb u joogta abaabulka dagaal dalka oo dhan looga saarayo Al-Shabaab, qorshahaan ayaa hadda maraya heer muhiim ah, waxaana rajo badan laga qabaa in muddo kooban lagu soo afjaro kooxdaan.

Madaxda federaalka iyo tan Galmudug ayaa lagu wadaa in goordhow ay munaasabadaan ka jeediyaan khudbado ay kaga hadlayaan xaaladda dalka.

Toos Hoos uga daawo munaasabadda:

The post Toos: Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb uga qeyb-gelaya sanad guurada Galmudug appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this