Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa maanta ka socday aagga Beerta Cali Mahdi?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka-1-scaled.jpeg?fit=256

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Qaranka ayaa maanta howl-gallo culus ka sameeyay aagga Beerta Cali Mahdi, xilli uu dalka ka socdo dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Howl-galkaan oo ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa ciidamada ka sameeyeen jiinka wabiga Shabeelle, gaar ahaan aagga Beerta Cali Mahdi iyo deegaanada dhaca duleedka caasimadda.

Howl-galladan oo si wada jir ah ay u sameeyeen urrurka 2-aad ee guutada 22-aad Booliska sida Militariga u tababaran iyo NISA ayaa looga gol leeyahay xaqiijinta amniga caasimadda, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda.

Beerta Cali Mahdi ayaa sidoo kale horraanta bishii hore howl-gal qaatay muddo saacado ah ahaa, kaasi oo si wada-jir ah u fuliyeen ciidamo ka tirsan NISA, gaar ahaan Duufaan iyo kuwo kale oo ka tirsan ciidamada Booliska ee u tababaran sida milatariga.

Howl-galkaas ayay ciidamada kusoo qabteen rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu sameynayo baaritaano dheeraad ah.

Deegaanada la beegsaday ee uu ka dhacay howl-galkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen kuwo istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Banaadir iyo Shabeellooyinka.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ay howl-gal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Afgooye, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab

The post Maxaa maanta ka socday aagga Beerta Cali Mahdi? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this