Sign in to follow this  
Deeq A.

5𝟎-𝐤𝐮𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝”𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐬𝐨𝐨𝐰𝐞

Recommended Posts

Deeq A.   

“𝟓𝟎-𝐤𝐮𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝”𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐬𝐨𝐨𝐰𝐞.

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Axmed cali Casoowe oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada JSL, ee laga soo doortay gobolka Sool, ayaa sheegay in laba boqol oo kun oo qof in ka badan ay ku barakaceen dagaalada ka socda gobolka Sool.

Sidoo kale waxa uu xusay in 50-kun oo arday in ka badani ay ku waxbarasho waayeen dagaalka socda gobolka Sool, waxaanu hoosta ka xariiqay in cid guul ka gaadhay aanay jirin dagaalka ka socda Laascaanood.

Geesta kale waxa uu tacsi u diray bulshadii rayidka ahayd ee shalay ku dhimatay magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Casoowe waxa uu sheegay in markii xaalada dalku Qulaanqulshaha soo dhaaftay ay baqeen xildhibaanadii golaha wakiillada JSL.

Waxaanu yidhi.“Anigu waxaan tacsi u diraya dadkii rayidka ahaa ku waxyeeloobay dagaalada Laascaanood ka socda, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen dadkii shalay madaafiicdu ku dishay Laascaanood.

Aniga iima muuqato guulo laga gaadhay dagaalka ka socda Laascaanood.

Waxa dhacay khasaare aad iyo aad u weyn cidda koowaad ee khasaaruhu soogaadhay waa Qaranka Somaliland, waxa mugdi galay wada jirkii iyo dhismihi Qarannimada iyo jiritaankii bulshada.
Khasaaraha labaadna waxa uu ku dhacay shacabka reer Laascaanood laba boqol oo kun oo qof in ka badan ayaa guryahoodii laga barakiciyay, oo dagaaladaasi ka barakiciyeen, 50-kun oo arday in ka badan ayaa ku waxbarasho weyday.

Maamulkii dowladda ee ka shaqaynayay Taleex ilaa darafyada oo dhan agaasi oo dhan.”

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in dadlka laga qabto Koox uu ku sheegay Huwan Jeegameysan.

Waxaanu yidhi.“Reer Somaliland kaftanka ayay wax ku fahmaan barigii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxa uu soo kormeeray Madaxweynihi xaafad ka mida Xamar, oo nin reer Xamarkii cadcadaa’ihi ka yahay guddoomiye wuu warbixiyay oo wuxu yidhi ‘Nabadgelyaddu way fiican tahay, horumarbnaan sameynay, wax badan ayaanu sameynay oo way fiican tahay, balse dadku hal nin oo Mareexaan la yidhaahdo ayay ka cabanayaan hadaad ka qabatana wax waliba way hagaagayaan, marka dadku waxa ay aad u hadal hayaan huwan Somaliland ka abuuran tahay oo la yidhaahdo Jeegaan marka haddii taa Somaliland laga qabto waxaan u malaynaya in arrimaha oo dhami hagaagayaan ee bal aad haloogu fiirsado”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this