Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Wasaarada Maaliyadda Labada Heer Dowladeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir u socday muddo 2 maalin ah Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankaan ay yeesheen Waasirrada Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha barnaamijka deyn cafinta dalka, kaas oo heer gabagabo ah maraya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray, ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.

Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeynta, shirkaan ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa aan qeyb ka ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin, inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirkaan.

Goobjoog news

367726101_751838473649428_6702792312730800714_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=110&ccb=1-7&_nc_sid=7f8c78&_nc_ohc=ADPkhePHfEcAX_s3r3D&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&oh=00_AfAddOrfolmQAUAYCQmun6MAqmavtk-Hm-1BCItDy7cQFg&oe=64DE9A40May be an illustration of blueprint, ticket stub and textMay be an image of ticket stub and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an image of ticket stub and textMay be an illustration of blueprint, ticket stub and text1W2A1545-copy-scaled.jpg 1W2A1633-scaled.jpg 1W2A1714-1-scaled.jpeg 1W2A1714-scaled.jpeg W2A1675-copy-scaled.jpg 1W2A1569-scaled.jpeg 1W2A1648-copy-scaled.jpg 1W2A1655-copy-scaled.jpg W2A1702-scaled.jpgoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this