Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Muqdisho uga socday DF iyo maamullada oo lagu gaaray qodobbo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
367457180_683075030531106_42478190547849

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah, waxaan labadii maalin ee u dambeysay isku horfadhiyay Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Intii uu socday shirkaan ay yeesheen Waasirada Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Shirkaan ayaa laga soo saaray war-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo heshiis looga gaaray arrimaha maaliyadda dalka, wadaagga lacagaha Bankiga Adduunka iyo mashruuca SERP.

Madaxda shirka ayaa waxay isku raaceen midaynta canshuurta toosan, sidoo kale waxaa la isku raacay in la dardar-geliyo ansixinta hindise-sharciyeedkaan kahor 2024-ka, si loogu dhaqan-geliyo ku talo-galka qoondada miisaaniyad sanadeedka 2024-ka ee dowladda federaalka ah, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir.

“Kulanka waxaa lagu bandhigay warbixinta is-qiimeynta (self assessment) dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka (DXDFS) iyo natiijooyinka kasoo baxay dib-u-eegista warbixintaas, iyadoo sugnaanta dhanka (Hal-beegga Dhakiga) laga xaqiijiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Waxa lagu heshiiyay in wadaagga deeqda kabka miisaaniyadeeda ee diyaarka ah lagu saleeyo habraacii ku xusnaa heshiiskii 11-ka bishii Janaayo 2023.

Hoos ka aqriso war-murtiyaadka oo dhameystiran;

367470984_751838470316095_71722440035910
367726101_751838473649428_67027923127308
367735886_751838463649429_48426050495117
365263885_751838450316097_84396011477122

The post Shirkii Muqdisho uga socday DF iyo maamullada oo lagu gaaray qodobbo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this